Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa goor dhoweyd qaatay shahaadada Musharaxnimo ee kursiga HOP172, isagoo noqonaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad.
Taliye Shub oo aan la shaacin inuu iska casilay xilka Taliyaha ciidmada Asluubta ayaa loo xiray kurisga beesha Madaxweynaha K/Galbeed oo Berri lagu dooranayo magaalada Baydhaba.
Arrintan ayaa caddeyn u ah in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen uu ka haray kursigan, iyadoo kooxda farmaajo ay cadaadis ku saartay inuu noqdo xildhibaan si uu markaas kadib ugu ololeeyo noqoshada Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Lafta-gareen ayaa isbaheysi doorasho kula jira Farmaajo oo doonaya inuu mar kale dib u soo laabto, laakiin waxaa jira qorsheyaal iska horjeeda oo ku saabsan cidda noqoneysa guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.


