Tuesday, July 15, 2025

Taliyaha Booliska oo faahfaahin ka bixiyey Askarta loo xiray Dilkii Ardayad Deeqa Daahir ee naxdinta lahaa

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa faafhaahin ka bixiyey askar loo xiray dilkii loo geystay gabar 9 sano jir ah oo arday ka ahayd Dugsiga Hoyga Xamar.

Taliyaha ayaa sheegay Ciidamada amniga ay gacanta ay ku dhigeen Afar askari oo ku eedeysan dilka Deeqo Daahir Cali oo aheyd oo ahayd ardayad dhigata Dugsiga Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho oo u dhimatay rasaas ay rideen ciidamo ka tirsan dowladda.

Taliyaha ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaan ku eedeysan dilka Deeqo baaris lagu sameynayo si Maxkamad loo soo taago, lagana abaal marin doono dambiga ay geeysteen, isaggoo carabaabay in marnaba aysan oggolaan doonin in lagu xad gudbo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Wax baan dilayaa waan cararrayaa ma soconeyso, waxaan soo qabanay Afar qof oo ku eedeysan dambigaasi, waxaana dooneynaa inaan maxkamad hortaagno, marnaba uma dulqaadaneyno in qori lagu iibiyey canshuurta Shacabka lagu laayo ummadda Soomaaliyeed, Insha allah kuwii falkaan geeystay waa laga jaseynayaa  dembiga ay galeyn” ayuu yiri taliyaha Booliska oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON