Monday, July 7, 2025

Taliyaha Booliska oo ka hadlay kulan shaki hareeyay oo ay yeesheen Taliyeyaasha Ciidamada & G/Banadir

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirkii shaki badan laga muujiyey oo ay yeesheen taliyaasha ciidamada Dowladda iyo Taliyeyaasha G/Banaadir ee Booliska iyo NISA.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid toddobaadle ah oo ay uga hadlayeen xaaladda Amniga, Doorashooyinka iyo inay dadka la wadaagaan halka uu marayo xaaladda amni ee dalka, isgoo caddeeyay inay ciidamada dowladda ku filan yihiin Amniga.

Wuxuu sheegay in kala duwanaanshaha ka dhex jira Madaxda sare ee dowladda uu dhammaan doono, wax weyna aysan jirin oo la isku hayo, wuxuuna saxaafadda ka codsaday inaysan xaaladda uga sii darin, mar haddii ay nqootay meel lagu dagaalamo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Booliska, Milatariga iyo Asluubta, waxaa kaloo ka qeyb galay taliyaha Booliska G/banaadir iyo Taliyaha NISA ee Gobolka banaadir oo Farmaajo u magacaabay agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA.

Kulankan oo shaki laga muujiyey ayaan la ogeyn xilka uu ku fadhiyey Yaasiin Farey oo la isku heysto inuu yahay agaasimaha KMG ah ee NISA iyo Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON