Taliyaha ciidamada Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa ku taliyey in loo dhigo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka sababno Amni dartood.
Taliyaha oo markii labaad caawa shadalay ayaa sheegay inaysan qaadi karin masuuliyada amniga ee Goobta erri lagu dooranayo gudoonka golaha shacabka, wuxuuna soo jeediyay xaalad amaan awgeed in doorashada dib loodhigo.
“Ilaa hada mahayno liiska magacyada dadka ka qeybgalaya doorashada berri, sidaas darteed anaga ka booliis ahaan waxay na tusinaysaa inaan damaanad qaadi karin doorashada berri halkaas lagu qabanayo, taladeena waxay tahay in dib loodhigo doorashada sababo amniga dartiis ah” ayuu yiri taliye Xijaar.
Wararka ayaa sheegaya inuu Taliyaha Booliska la shaqeynayo Farmaajpo ssi loo baajiyo Doorashada oo ay dib ugu dhacdo.
