Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Shiikh Xasan xaamud ayaa si cad u sheegay inuu olole ugu jiro dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo ka hadlayay xuska munaasabadda 73 guurada asaaska ciidamada Booliska oo dhalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu taliyuhu shaaciyay in saraakiil ka tirsan Booliska oo ka mid noqday xildhibaanada cusub ay u codeyn doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh, oo codkooda uu ku tashan karo.
Arrintan ayaa dad badan ka yaabisay iyadoo shaqaalaha dowladda iyo madaxda ciidamada ay xaaraan ka tahay inay ku lug yeeshaan arrimaha doorashada.
DHAGEYSO CODKA TALIYAHA BOOLISKA
GOOBJOOGE.COM