Taliyaha Ciidanka Dowladda Federalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee Puntland.
Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi (Siciid Dheere) hoggaanka ciidamada Daraawiishta iyo saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee degaanada Puntland.
Labada taliye ayaa si wadjir ah saxaafadda ula hadlay,waxaana hadalka ku hormaray Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere) oo inuu ku faraxsan yahay imaanshaha taliye Gorod, isla markaaana ay si gaar ah ugu qiimeyn sida degdegga ag ee durbadiiba Puntland usoo booqday.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa dhankiisa ka mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey ,wuxuuna sheegay in isaga iyo wafdigiisu Puntlnad u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen ciidan gaaraya 2400 askari oo dhowaan Puntland ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kana mid noqday Ciidanka Xoogga dalka.
SAWIRRO