Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in dalka ku sugan yahay xaalad sirdoon la’ana ah oo sababtay in qaraxyadu ka dhacaan gudaha magaalada iyadoo ay dadaal weyn sameyanyaan ciiiamada booliska.
Wuxuu su’aal ka keenay waxa sababay in Gaari qarax uu sahal ugu gaaray Bar Koontarool oo ku taalla Isgoyska KM4 iyadoo la ogyahay inta koontrool ee uu soo dhaafay iyo wadooyinka xiran, wuxuuna in dadaalka ciidamada cusub ee Booliska ay meesha ka saartay Sirdoonkii oo aan shaqeyneynin.
Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Cusmaan oowareysi siiyey Universal TV ayaa caddeeyay in muddooyinkii dambe Amniga Muqdisho uu xoogaa sidii hore kasoo hagaagayey, iyadoo la xiray wadooyin badan dadaalna ay mujiyeen dhalinyarada Booliska lagu kordhiyey laakiin aanu dalku lahayn sirdoon shaqeynaya.
“Maxay ku dhacday Dal dagaal kula jira Argagixiso uu muddo ku dhow sanad lahayn wax Agaasime ah, xilkuna uu iska sii hayo Taliye kuxigeenka…?.” ayuu is-weydiiyey yiri Taliye kuxigeenkii hore ee NISA oo dhinaca kale sheegay in qaraxyada Alshabaab ka fuliyaan magaalada lagu sameeyo gudaha magaalada iyadoo qaraxyada waaweyn lagu diyaariyo bannaanka caasimadda.
Shalay ayey ahayd markii Qarax is-miidamain ah uu k dhacay Koontaroolka KM4 ee laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo sababay 20 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 30 kale.