Wararka laga helayo magaalada Adis ababa ayaa sheegaya in saraakiil Boolis ah loo xirxiray qarixii ka dhacay magaalada ee lala beegsaday banaanbax lagu taageerayay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo markaas fagaaraha Meskel ku sugnaa.
9 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah ayaa loo xiray falkan, waxaana ka mida saraakiishaasi Girma Kassa oo ahaa taliye ku xigeenkii Booliska magaalada Adis ababa iyadoo uu socdo baaritaan xoog leh oo lagu raadinayo ciddii ka danbeysay qaraxa.
Wasiirka xiriirka dowladda ee Itoobiya Ahmed Shede ayaa sheegay in baaritaanka socda wixii kasoo baxa lala wadaagi doono shacabka, iyadoo shilkii qaraxa ahaa ee dhacay ku tilmaamay mid ku yimid dayac dhinaca amniga ah.
Dhinaca kale wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa xaqiijisay in qof kale oo ka mida dadkii ku dhaawacmay qarax uu ku dhintay isbitaalka, iyadoo tirada dhimashada qarax ay hadda gaartay 2 qof, halka dhaawac uu yahay 156 oo 5 kamida uu dhaawacyoodu halis yahay.