Maamulka Hirshabeelle ayaa taliyeyaal gaara u magacacabay goobaha doorashada xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ka dhaceyso ee magalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.
Taliyaha Booliska maamulka Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisoow Xasan ayaa soo saaray wareegto uu ku magacabaay Taliyayaasha amniga goobaha doorashada Xidhibaanada Golaha shacabka ay ka dhaceyso Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Taliyaha amniga goobta doorashada magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa loogu magacaabay Laba-xidigle Muuse Salaad Wehliye oo horay u soo noqday taliyaha Booliska Beledweyne.
Sidoo kale Gaashaanle Muqtaar Cabdulle Nuur ayaa loo Magacaabay Taliyaha Amniga doorashada Magaalada Jowhar oo hadda ah xarunta Maamulka Hirshabelle.
