Saturday, July 5, 2025

Tirada Dhimashada Qaraxyadii Soobe 2 oo sii korortay iyo wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee gurmadka Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee Soobe 2 ayaa sheegaya inay sare u kaceen dadka ku dhintay iyo kw dhaawacmay Qaraxyada.

Guddoomiyaha G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Hay’adaha Caafimaadka ay u xaqiijiyeen in tirada dadka ku dhintay Qaraxyada Soobe ay gaartay 104 qof ,halka dhaawaca uu tiradooda uu ku sheegay 269 qof.

Wuxuu kaloo sheegay guddoomiyaha Gobolka Banaadir in meydadka dadka dhintay aan weli la aqoonsan 6 qof oo ka mida, isagoo ugu baaqay dadka ehelkooda ka maqan yihiin in ay tagaan isbitaalada.

Qaar ka mida isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay lacag ka qaadayeen dadka kusoo dhaawacmay qaraxyadii Soobe iyo kuwa doonaya inay dhiiig ugu deeqaan, wyuxuuna shegay inay la xisaabtami doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON