Sunday, June 22, 2025

Toogasho lagu xukumay Askarigii Minishiibiyada ee 5000 u dilay Ganacsade Danyar ah

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay Askari ka tirsan Ciidamada ilaalada Degaanka ee loo yaqaan Minishiibiyadda, kaasoo Degmada Xamar-weyne ku dilay Ganacsade danyar ah.

Ganacsade Marxuum Abuubakar Maxamed Nuurani ayaa 10-kii bishan lagu dilay degmada Xamarweyne, markii canshuur laga rabay lacag dhan 5 Kun oo Shillinka Soomaaliga, waxaana geystay  Qaasim Ducaale Cabdi, kaasoo uu dhaliyey qeylo-dhaan badan.

Askarigan eedeysaaha ah  Qaasim Ducaale Cabdi ayaa muddo 5 maalmood gudahood ah lagu horgeeyay, laguna xukumay dil toogasho, kadib markii madaxweynaha dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiin badan ay ka hadleen in cadaaladda la marsiin doono askarigii dilka geystay.

Ad

Ehellada Marxuum Abuubakar Maxamed Nuurani oo ku sugnaa fadhigii Maxkamadda ayaa soo dhoweeyay xukunka Dilka ah ee lagu riday ninkii dilka geystay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON