Monday, June 23, 2025

Uhuru Kenyatta oo shaaciyey Farriintii uga timid Madaxweyne Farmaajo ee uu gaarsiiyey Ra’iisal Wasaaraha [Akhriso]

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa galabta Madaxtooyada Kenya ku qaabilay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalkaasi.

Farriin uu soo dhigay baraha bulshada ayuu madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta ku sheegay ujeedada safarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo waxa ay ku saabsaneyd farriin uu uga siday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Guriga Dowladda kusoo dhoweeyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo i soo gaarsiiyey farriin tacsi iyo garab istaag ah oo iiga timid Madaxweyne Farmaajo, kadib weerarkii argagixiso ee Nairobi.. Labadeena dal waxay sii wadi doonaan inay wadajir uga shaqeeyaan dagaalka argagixisada..” ayuu farriintiisa ku yiri madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Ad

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON