Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowaan jaangoyn ku sameeyay mushaarka ay qaataan madaxda kala duwan ee Gobolka Banadir iyo shaqaalaha, iyadoo laga yareeyay lacagihii hore ee ay qaadan jireen.
Jaangoynta cusub ayaa ku saleysan in guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ay qaateen wixii ka bilowda Janaayo 2019 lacag ka yar intii ay hore u qaadan jireen, ayna ugu wacan ahay duruufo soo food saaray Gobolka Banaadir. Dhinacaa kale qoraal ay heshay Goobjooge.net uu muujinaya inay jiraan la-taliyeyaal Gobolka Banadir ka qaata lacago fara badan.
HOOS KA AKHRISO JAANGOYNTA CUSUB EE MUSHAARKA MADAXDA G/BANAADIR:
1- Guddoomiyaha G/Banaadir wuxuu mushaar ahaan u qaataa: $10,000 (Waxaa la sheegay inuu hore u qaadan jiray $20,000 oo 5000 loogu talogalay kiro Guri, halka $15,000 ay ahayd mushaarkiisa).
2- Guddoomiya ku xigeenada waxay wixii hadda ka danbeeya mushaar ahaan u qaadan doonaan $6000 (Waxay hore u qaadan jireen $10,000 oo $2000 ka mida ay tahay kiro Guri iyo mushaarkooda $8000).
3- Agaasimaha xafiiska duqa ayaa qaadanaya mushaar dhan $3000 iyadoo loo sameeyay tixgelin gaar ah, halka agaasimeyaasha guud ay qaataan $1500, agaasimeyaasha caadiga ahna loo qoondeeyay $800.