Talo soo jeedin
2012 waxaan ka mid ahaa guddigii farsamada ee soo xulayey xilibaanada. Waxaa la inoo qabtay in doorashada la soo gebagebeeyo 20ka Ogosto. Markay labo maalmood ka harsan tahay waxaan haynay 202 xilibaan oo process-ka soo maray, waxaana taagnaa khilaaf weyn uu ka saabsan xilibaano 50 gaaraya iyo qoondadii haweenka oo la soo buuxin waayey.
Intuu wadanka geli lahaa firaaq waxaan go’aansanay in la shaaciyo 202 xilibaan, kuwaas ayaa lagu dhaariyey maqribnimadii 20-ka Ogosto barxadda garoonka diyaaradaha iyadoo la isticmaalayo nalalka gawaarida. Xilibaanada murunka ka taagnaa waxaa la dhaariyey maalintii doorashada madaxweynaha, kamana aysan qeyb qaadan doorashada guddoonka baarlamaanka. Sidaas ayaa dowladdii 2012 ku unkatay.
Iyadoo la tixgelinayo xaalada cakiran ee wadanka ku jiro; ay jiraan abaaro ba’an iyo sicir barar, bulshada Soomaaliyeedna ay ka caajistay boobka doorashada lagu hayo, miisaaniyadda KMG ay ku eg tahay 30th March, ka dibna dowladda si sharci ah aysanu kharaj bixin karin iyo amaanka oo faraha ka sii baxayo.
Waxaan talo ku soo jeedinayaa:
1. Maadaama xubnaha aqalka sare ay dhan yihiin, in la dhaariyo senatarda guddoonkoodana si degdeg ah u doortaan,
2. Sidoo kale xilibaanada 222 ee aan khilaafka ku jirin iyagana in la shaaciyo, shahaadooda la siiyo ka dibna la dhaariyo si ay guddoonka baarlamaanka u doortaan.
3. Miisaaniyad KMG la ansaxiyo inta ka horeysa 30ka Maarso.
4. Doorashada madaxweynaha April dhexdeeda la soo gebagebeeyo.
Wabilaahi Towfiiq
W/Q: Maxamed Aadan Fargeeti
Wasiirkii hore e Maaliyadda
