Monday, July 14, 2025

Wafdigii Aqalka Sare oo gaaray magaalada Dhuusamareeb, lana kulmay Xaaf & Sheekh Shaakir [Sawirro]

Wafdigii ka socday Aqalka Sare ee Barlamaanka ayaa galabta gaaray Magaalada Dhusamareeb maamulka Galmudug.

Wafdiga waxaa hoggamineyay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxayna ila galabta kulan la yeesheen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo Gudoomiye ku xigeenada Barlamaanka Galmudug oo ay ka wadahadleen xaaladda qalalaase ee ka taagan Galmudug iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Kulamada labada dhinac ayaa ahaa mid albaabadu u xiran yihiin oo aan saxaafadda lo ogolaadan, waxaana la sheegay inay wafdiga u gudbi doonaan Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug oo ay kula kulmi doonaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON