Monday, July 14, 2025

Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kadib maalin dib u dhac ah

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka qeyb galay shirkii Arimaha soomaaliya ee magaalada Brussels  ee dalka Belgiumka.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, wasiirka maaliyadda iyo xubno kale waxaa garoonka ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya, waxayna dib u dhaceen maalin sabab ka timid dib u dhac diyaaradii shalay soo qaadi lahayd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Brussels kulan  la qaatay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ay ka wada hadleen colaada ka tagaan degaanka Tukeraq ee gobalka Sool iyo arrimaha Somaliland.

Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada magaalada Brussels  ee dalka Belgiumka ayaa waxaa Soomaaliya looga yaboohay deeq lacageed oo Midowga Yurub uu bixinayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON