Wafdigii uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar ay ku tageen dalka Norway.
Wafdiga oo uu ka mid ahaayeen wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, waxayna kasoo qeyb galeen shirkii Oslo Forum oo looga hadlay xaaladda dhaqaale iyo dib u habeynta maaliyadeed ee Soomaaliya.
Wasiir Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in safarkooda uu guul ku soo dhammaaday isagoo aan faahfaahin kale bixin.