Wakiilada Beesha Caalamka ee magaalada Muqdisho ayaab ilaabay inay kulamo kala gaara ugu yeeraan madaxda dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee ku shiran magaalada Muqdisho si ay culeys ugu saaraan arrimo gaara oo kusoo kordhay shirka arrimaha Doorashada.
Shirka oo maanta geli lahaa maalintii saddexaad ahaa galay hakad lagu kala nasanayo wadatashiyo ay dhinacyada la yeelanayaan maamullada ay hoggaamiyaan, kadib markii shirar saacado badan oo si weyn looga dooday Heshiiska Doorashada la islu mari waayey in la isku dhoweeyo fekradaha la kala qabo.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta tegay Garoonka Muqdisho si uu ula kulmo wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo xubno uu ka mid yihiinsafiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Dender, wakiilo Mareykanka iyo Midowga Afrika ka socday.
Xafiiska Axmed Madobe ayaa sheegay kulanka looga hadlayay Arimaha Doorashooyinka iyo amaanka iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay Xaalada kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay.
Shirka Madaxda Soomaalida ee hakadka ku jira ayaa la sheegay inay kusoo korortay arrin ku saabsan maamulka Doorashada oo madaxdii shirkii Dhuusamareeb 3 heshiisak ku saxiixday ay ka hor yimaadeen qaar ka mida qoddobadaasi, soona jeediyeen in wax lagu kordhiyo.
Dhinaca kale madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa shirar kala gaara iyo kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo manta uu Aqalka Sare hortegay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.




