Tuesday, July 15, 2025

WAR CUSUB: Aqalka sare oo Qaadacay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka ay qaadaceen ka qeyb galka munaasabadda furitaanka kalfadhiga afraad ee Golaha Shacabka.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga golaha shacabka ayaa xilligan ka socota xarunta Jen. Kaahiye ee Dugsiga sare ee Booliska, waxaana la filayaa inuu ka qeyb galo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ka dhigan inaanu maanta furmeynin kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare, balse ay dib u dhigteen ilaa Berri oo si gaara loogu furi doono sida ay shegeen senatooro ka tirsan Aqalka Sare.

Arrintan ayaa salka ku heysta markii senatoorada Aqalka sare loo diray farriin loogu sheegay inuu dib u dhacay furitaankii kalfadhiga, isla markaana farriintii hore ay ku koobneyd xildhibaannada Golaha Shacabka, tasoo keentay inay ka caroodaan senatoorada, sidaasina ku qaadacaan munaasabadda furitaanka kalfadhiga cusub ee Golaha shacabka.

Qoraalka loo diray Senatoorada ayaa u qornaa sidatan: Dhamaan Senatorada waxaa lagu wargelinayaa in furitaanka Golaha Aqalka Sare ee KU astaysnaa berri uu dib u dhacay, farriinta kale ee idiin soo dhacdayna waa farriin khaldan oo ku kooban Golaha Shacabka. Waqtiga rasmiga ah ee furitaanka Aqalka dib ayaa loo soo sheegi doonaa. Mahadsanidiin

Farriinta loo diray xildhibaannada golaha shacabka ayaa ahayd sida soo socota:

“Berri oo ah Isniin, Tr. 10/09/2018, waxaa qabsoomaya Kulanka furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal (Golaha Shacabka & Aqalka Sare), Saacadda: 09:00am Goobta: Akadeemiyada Booliska Jeneraal Kaahiye (Scuola Polizia)..”

Arrintan ayaa sababi karta in labada aqal ay si kala gaara loogu kala furo kalfadhiyadooda, waana xaalad kale oo soo wajahday wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON