Monday, July 14, 2025

WAR CUSUB: Faarax C/qaadir oo qarka u saaran inuu la wareego kursigii Beesha Ujeejeen ee Aqalka Sare

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qorshe ay Damjadiid ku dooneyso in kursi ka mida kuraasta Aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle uga fara maroojiso beesha Ujeejeen ee loo qoondeeyay.

Beesha Ujeejeen (Ciise Mudulood) ayaa loo qoondeeyay inay kursi ku yeelato xildhibaanada Aqalka Sare ee ka soo gelaya maamulka Hirshabeelle, waxaana kursigan lagu qoray Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mida aqoonyahanada siyaasiyiinta ee caanka ah.

dufle-faaraxXildhibaan Faarax C/qaadir iyo kooxda Damjadiid oo gacan ka helaya Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay ku riixayaan Prof. Dufle inuu xilkaasi isaga haro kadib markii ay tartanka kursigii Beeshaasi ay kusoo  qoreen musharax ka soo jeeda Beesha Sheekhaal/Reer Aw-xasan oo lagu magacaabo Jen. Dhega-caleen.

Qorshahan ayay Damjadiid la timid kadib markii looga guuleystay kursigii guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ay si lama filaan ay doorashado ku qaadatay haweeney kasoo jeeda Beesha Ujeejeen, iyadoo ka guuleysatay musharax ay wateen wasaaradda arrimaha gudaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo Beesha reer Aw-xasan kasoo jeeday.

Shaacinta liiska musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabeelle ayaa weli la shaacin, iyadoo dood ka jirto xubnaha musharixiinta noqonaya iyo qaabka loo soo qoray. Waa markii ugu horeysay ee laba beelood oo weliba aan isku dhoweyn musharixiin ka socda lagu qoro hal kursi.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo kooxda Damjadiid oo ayaa hore ugu fashilmay inay xubin Aqal sare Beesha Sheekhaal uga helaan maamulada Galmudug iyo Jubbaland, laakiin waxay hadda dadaal iyo kharash dheeraad ah ku bixinayaan inay ka helaan maamulka haray ee Hirshabeelle oo beeshan aanay wax degaan ah ku lahayn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON