Sunday, July 13, 2025

WAR CUSUB: Gacan ka hadal dhex maray ergo dooran lahayd kursi ka tirsan Baarlamanka ee Somaliland

Ergo ka soo jeeda degaanada Somaliland oo maanta lagu waday inay doortaan kursi ka mida kuraasta Baarlamaanka ayaa gacan ka hadal dhex maray.

Ergadan oo lagu xareeyay  xarunta Gaadiidka Booliska magaalada Muqdisho oo doorashadu ka dhaceysay ayaa intii aysan bilaaban doorahada muran dhex maray, kaasoo keenay in ergada ay gacanta isula tagaan oo dagaal  dhex maro.

Kursigan waxaa ku tartamayay Musharaxiinta kala ah: Qadro Axmed Ibraahim, Guuleed Ceydurus Cige, Canab Xasan Kaahin  iyo Shukri Cabdi Yuusuf, waxaana ugu cadcad Guuleed Axmed Kaahin.

Ciidamada Booliska ee goobta ku sugnaa waxaa kala dhex galay ergada oo ka saaray goobta doorashada, waxaana la hakiyay doorashadii.

Musharax Khadra Axmed Ibraahim ayaa lagu eedeeyay inay ergo taageersan ay qaska abuureen iyadoo ay kursiga ay kula tartamayeen laba musharax oo kale. Khadra oo ka mid ahayd xildhibaanadii hore ayaa ergo dhan 15 oo taageersan dibadda looga saaray goobta doorashada.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda ka dejiyay, isla markaana ay Guddiga Doorashada go’aan ka gaari doonaan xaaladda kursigaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON