Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland ayaa lagu mamnuucay inta ay socoto ololaha doorashada maamulkaasi inay degaanada Puntland tagaan mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Somalia.
Qoraalka ayaa kasoo baxay kadib shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga Doorashooyinka Puntland, iyadoo la soo saaray 7 qodob oo ku saabsan sugidda Amniga Doorashooyinka, waxaana qodobka 2aad u qoran yahay: “Inta doorashadu ka dhaceyso waxaa la mamnuucay inay Puntland soo galaan shaqaalaha dowladda Federaalka, sida wasiirada, agaasimeyaasha, saraakisha ciidanka iyo howl wadeennada Madaxtooyada Somaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA