Qaar ka mida Xisbiyada KMG ah ee Siyaasadeed, balse taageersan Madaxweynaha xilkiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dalbaday in dalka dib loogu celiyo Doorasho qof iyo cod ah.
Xisbiyadan oo ah kuwa kaliya ee wararkooda laga sii daayo Warbaahinta dowladda ayaa madaxda sare ee dowladda ka dalbaday in la qaato Doorasho Qof iyo Cod ah, mar haddii la qaban waayey Doorashadii dadbaneyd ee lagu heshiiyay.
Mida ka mida madaxa xisbiyada ayaa xukuumadda hore ee Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay inuu muddo sanad ka badan heystay sharcigii Xisbiyada, isla markaana ay keentay dib u dhaca yimid.
Arrintan ayaa loo arkaa qorshe ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya oo ay mar kale ku dooneyso waqti kororsi, taasoo ay si cad uga hor yimaadeen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka.
