Ra’iisul- wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo ka qeybgalay kulan ka dhacay Muqdisho oo looga hadlay qoondada Haweenka ee Doorashooyinka Dalka ayaa ka hadlay tanaasulka uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee Doorashooyinka.
Mahdi oo si weyn u bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in heshiiska Doorashada ee la gaaray September 2020 ay soo diyaariyeen madaxda maamul Goboleedyada oo aanu hal eray ku darin, kuna lahayn Madaxweynaha.
“Heshiiskii Doorashada 17 Septambar waxaa laga keenay Ar cusub.. Dowlad Goboleedyada qaarkood oo aan soo magacaabin guddiyadoodii ayaa yiri: Guddiyada lasoo maagacaabay ayaa hebel iyo hebelow ku jiraan.. Waa yahaye aan idinku garawnee halkee diidan tihiin..? waaban ka saareynaa si hore loo socdo ilaa hadda marqaati ahaa ka tihiin bulshada yaa ka garnaqeysa..” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo u muuqday inuu ka hadlayey codka Madaxweynaha oo xafladaasi ka baaqsaday.
Ra’iisal wasaare Mahdi Guuleed wuxuu caddeeyay in loo baahan yahay in la fuliyo heshiiska Doorashada, isla markaana ay dowladdu diyaar u tahay inay qofkii ama labadii dareen laga qabo in laga wadahadlo oo laga bedelo Gudiyada Doorashada.
Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin Dalka inuu hore u socdo, Doorasho lagu kala baxo, waqtigeediina aanu dhaafin, taasoo ah waa waajib dastuuri ah oo madaxweynuhu u taagan yahay, sida uu yiri.
