Monday, July 14, 2025

Warar Cusub ku soo kordhay Qarixii lagu weerarray Xarunta Degmada Howlwadaag & Mas’uul ku dhaawacmay

Qarax aad  u xooggan oo is miidaamin ah lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo burbur weyn uu soo gaaray xaruntaasi oo inteeda badan ku bas beeshay qaraxa.

Waxaa weerarka sheegtay kooxda Alshabaab oo War ay soo saartay ku caddeysay inay ka danbeysay qaraxa ka dhacay Degmada Howlwadaag, iyadoo qof is-miidaamiyey oo waday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku dhuftay xarunta degmada.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar oo xarunta ku sugnaa marka qaraxu dhacay  ayaa la sheegay inuu ka badbaaday qarax, iyadoo la sheegay inuu bed qabo, waxaa waxyeelo soo gaaray dad badan oo goobta ka ag dhowaa, sida Caruur dhiganeysay Dugsi Quraan, waxaa sidoo qarax burbur kasoo gaaray masjid u dhowaa xarunta degmada.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada degmada Howlwadaag oo ku sugna xarunta markii qaraxu dhaca, waxaana weli soo baxaya qasaaraha qaraxa oo la sheegay inay caruur ku geeriyoodeen.

Gaariga qaraxa siday ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan iyadoo la xaqiijiyey inuu albaabka hore ka gudbay, waxaana inta badan burburay xaruntii degmada iyo Dhismooyinkii ku dhowaa.

Dadka dhintay ayaa ilaa iyo hadda gaaraya 5 qof, iyadoo dhaawacuna  ka badan yahay 20, waxaana weli soo baxaya qasaaraha ka dhashay qaraxa.

Masjid ku dhowaa xarunta degmada H/wadaag oo buburray

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON