Thursday, June 26, 2025

Warar iska horjeeda oo kasoo baxay kulankii Madaxweynaha & Wakiilada Beesha Caalamka (Farmajo Vs James Swan)

Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Soomaaliya Q/Midoobay ee UNSOM ayaa si iskhilaafsan uga hadlay kulankii maanta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Villa Somalia ayaa War-saxafadeedka ay kasoo saartay kulanka ku sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu wakiilada Beesha Caalamka uga warbixiyey habsami u socodka hawlaha doorashooyinka iyo in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada, beesha caalamkuna ay bogaadisay tallaabooyinka loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka.

Dhinaca kale farriin kooban oo xafiiska UNSOM ku baahiyey baraha bulshada ayuu ku sheega in Wakiilka Q/Midoobay ay sharaf u ahayd inuu maanta wakiilada Beesha Calaamka kala qeyb galo kulanka oo looga hadlay taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo dadkeeda ay la garab taagan yihiin iyo sida degdega ah ee loogu baahan yahay xallinta is mari waaga ka taagan Doorashada.

Warka ay faafisay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay marin habaabin aan xaqiiq ku fadhin, marka la eego xaaladda uu ku soo beegmay kulankii maanta iyo qodobkii ugu weynaa, waxaana la sugayaa War-saxaafadeedka Wadajirka ah ee Q/Midoobay kulankaasi kasoo saari doonto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON