Iyadoo shirka wadatashiga madaxda dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada uu halay maalintiisii 4aad ayaa waxaa soo baxay xog ku saabsan arrimaha la isku hayo iyo horumarka laga gaaray shirka.
Madaxweynayaasha maamullada Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa si buuxda u taageeray, lana saftay madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo khilaaf culus kala dhaxeeyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna ku taageereen in marka hore xal loo helo arrinta Galmudug inta aan loo gudbin qodobadda kale ee shirka hor yaalla oo fara badan.
Kulan gaara oo ay yeesheen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Axmed Ducaale Geelle shalay ayaan wax horumar ah lagu gaarin, iyadoo Xaaf ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin muddo dheer socotay ku heysay maamulkiisa, balse arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in doorasho ka dhacdo Galmudug aakhirka sanadkan oo dowladda Federaalka ay dooneyso iyo Xaaf oo raba in mudadda xilkiisa ay ka bilaabato markii la doortay.
Shir kale oo xalay xilli danbe ay isku gaareen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo looga hadlayey arrinta Galmudug ayaa wararku sheegayaan in lasoo jeediyey talooyin meel dhexe la isugu imaan karo si xal loogu helo khilaafka Galmudug, iyadoo maanta mar kale dib loo anba qaadi doono. Madaxweyne Xaaf ayaa mar ku hanjabay inuu ka baxayo shirka haddii aan Galmudug arrinteeda
Shirka Garowe ee Wadtashiga Madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka muuqda isbaheysi labada dhinac ah, waxaana dhinac kasoo jeeda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug; halka dhinaca kale ay kasoo jeedaan Hirshabelle, K/Galbeed, Gobolka Banadir iyo dowladda Federaalka.