Thursday, April 18, 2024

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal Buuraha Gobolka Bari ku dhex maraya kooxaha Alshabaab iyo Daacish

Dagaal qaraar ayaa ka dhex qarxay dagaalamayaasha kooxaga Al-Shabaab iyo Daacish ee xarumahoodu  yihiin Gobolka Bari.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso aya sheegay in Dagaalka uu ka socdo degaanka Ceelka Miraale oo 70-KM u jira magaalada Boosaaso, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in labada dhinac uu dhex maray dagaal goosgoos ah oo hub culus iyo kan fudud la isu adeegsaday.

Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab amar ku siisay Daacish inay ka guuraan dhulka wadooyinka ah ee agagaarka Ceelka Miraalem taasoo keentay in labada dhinac isku dhacaan.

Ad

Bishii hoe ee December ee sanadkii 2018, ayaa dagaal culus dhex maray Al-Shabaab iyo Daacish oo  isku haleeley Buuraleyda gobolka Bari, kadib markii maleeshiyo Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari.

Alshabaab ayaa sidoo kale ku dhawaaqday dagaal toos ah oo ay la galeyso kooxda Daacish oo ay ku eedeysay cadaawad iyo kala qeybin ururkooda iyo jihaadka uu ku jiro.

Lam helin faahfaahinta qasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka oo saaka bilowday, soona gaaray caawa maqribnimadii, mana jiro wax war ah oo kasoo saareen Maamulka Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON