Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay dagaalka ka dhex qarxay ciidamada Puntland & Galmudug ee Gaalkacyo

Wararka laga heleyo magaalada Gaalkaco ayaa sheegaya inuu saaka  dagaal ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dagaalkan ayaa ka dhashay kadib markii Puntland bilowday inay degaan lagu muransan yahay ka dhisto Seylad xoolo (Maxjar), iyadoo ka hor yimaadeen ciidamada Galmudug, waxaana dagaalku ka socdaa xaafada Garsoor.

GAALKACYOADagaal ayaa horeba uga dhashay saldhig ay Galmudug dooneysay inay halkaasi ka dhisato, waxaana hadda xaaladda soo kiciyay markii Puntland ay dhinaceeda damacday inay dhisato  Suuq xoolo.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay inuu dagaalku dhaliyay iyadoo rasaas xoog leh la is weydaarsaday.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaaladda ay hadda degan tahay oo dagaalku iskiis u istaagay oo aanay jirin cid kala dhex gashay.

Waxaa la soo weriyay in dadkii deganaa xaafadda dagaalku ka dhacay ay ka qaxeen. Dagaalka ayaa ku soo beegmay  iyadoo lagu mashquulsan yahay arrimaha Doorashada 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON