Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya inuu weli socdo dagaal dhex maraya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Maleeshiyada Alshabaab.
Dagaalka oo Saaka ay qaadeen ciidamada is-garabsanaya ayay kula wareegeen degaanada Jannaale, Bariirre iyo Mubaarak iyagoo iska caabin kala kulmay A-wdhiigle.
Qasaaraha dagaalka ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, waxaana la sheegay in lagu dilay ilaa 10 qof oo u badan dhinacyada dagaalku dhex maray.
Alshabaab ayaa sheegtay inay iska caabisay weerar uga yimid ciidamada dowladda iyo AMISOM oo ay ku fashilmeen weerarro ay ku soo qaadeen degaanadeeda. Waxay sheegeen in Bariirre gawaari dagaal ay uga gubeen ciidamada Soomaalida ee Mareykanku tababarray.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay qabsadeen tuulada Buufow ee hoos tagta magaalada Marka isla markaan ciidamo ka tirsan AMISOM ay qasaare gaarsiiyeen.
Goobjooge