Dagaalkii saaka dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo ayaa weli socda iyadoo rasaas culus iyo madaafiic ay is weydaarsanayaan labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku ku bilowday markii labada ciidan ee isku hor fadhiya galbeedka magaalada ay isku dhaceen, iyadoo dhinac waliba ay dagaalka ku eedeneyso inuu dagaalka bilaabay.
Sarkaal ka tirsan Galmudug oo lagu magacaabo Cali Yuusuf Cali ayaa sheegay in ciidamadooda ay iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen Puntland, ayna kala wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Puntland, waxayna wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xaalada magaalada ay degan tahay hadda marka laga reebo rasaas teelteel ah oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.
Goobjooge.com