Sunday, August 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb & Munaasabadii Midowga Galmudug oo….

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda diyaargarowga munaasabadda midowga Galmudug iyo dhameystirka heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulamo la qaatay dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna, Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarrada, waxaana uu kala hadlay dhaqangelinta heshiiska labada dhinac iyo xalinta cabashooyinka jira.

Munaabasadda oo maanta dhaceysa aya waxaa hareeyay gadoodka ka taagan magaalada Cadaado iyo diidmada ay heshiiska kala hor timid, iyadoo ay yar tahay rajada laga qabo inay aqbasho.

Waxaana maanta la filayaa inay Magaalada Dhuusa-mareeb gaaraan wakiilada beesha caalamka, iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin madaxdii ugu badneyd dalka sida Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee kala ah Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay.

Madaxda Soomaalida waxaa ka maqan oo kaluya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si mudgi ku jiro shirkan uga cudurdaartay, waxaana lagu tilmaami karaa munaasbadii ugu weyneyd ee ay ku kulmaan madaxda Soomaalida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON