Wararkii ugu danbeeyay magaalada Garowe ayaa sheegaya in qaar ka mida madaxda dowlad Goboleedyada ay bilaabeen inay ka tagaan magaalada Garowe kadib marki uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii mudadda toddobaadka ah halkaasi uga socday madaxda dowladda Somalia iyo dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee ka dhoofa Magaalada Garowe, isagoo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa inuu ka hadlo fashilka ku yimid shirkii Garowe iyo eedeynta dowladda Somalia oo ku saabsan faragelin ay ku heyso arrimaha maamulka Jubbaland.
Dhinaca Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo magaalada Nariobi, iyadoo ay garoonka magaalada Garowe ku sagootiyeen madaxweynihii hore ee Puntland Senator C/raxmaan Faroole, Prof. Jurille iyo xubno kale.
Labadda madaxweyne ee Axmed Madoobe iyo Xaaf ayaa sabab u ahaa fashilka shirkii Garowe, iyadoo doorashooyin ay ku soo fool leeyihiin, balse ay doonayaan inay xilalka sii hayaan.