Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu danbeeyay ee soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada, iyadoo la ciirciiraya wufuudii ugu badneyd ee u soo martisa taariikhdeeda.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta marti gelin doonta xaflad weyn oo isugu jirta midowga maamullada Ahlu suna iyo Galmudug iyo booqashada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyado ay buux dhaafiyeen wufuud iyo marti sharaf fara badan oo magaalada ka dhigay mid camiran.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Maxamed Waare ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul goboleedyada oo lagu soo dhoweeyo magaalada Dhuusmareeb, waxaana ku wehliya guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas), ayaa la filayaa inuu ka dego garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.