Monday, June 23, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee magacaabidda Golaha Wasiirada & Isbedelka cusub ee awood qeybsiga

Diyaargarowgii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho xilli la wada sugayo in Golaha wasiirada cusb lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Xubno filaya inay wasiiro noqdaan, shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo saxaafada ayaa dhegtu u taagan tahay saaka oo wada sugaya goorta xafladda ku dhawaaqist Golaha wasiirada ay dhici doonto.

Isbedelka ugu weyn ee xukuumaddan cusub laga sugayo ayaa ah awood qeybsiga xilalka muhiim ah ee xukuumadda, kuwaasoo la kala wareejiyay. Wasiirka arrimaha dibadda oo hore ay u qaban jireen beelaha Isaaq ama Samaroon ayaa hadda waxaa loo qoondeeyay beesha Hawiye.

Ad

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la yimid qorshe ah in beelaha waaweyn dhexdooda laga soo xulo jufooyinka yaryar siyaasiyiinta kasoo jeeda ee aan fursado badan hore u heli jirin, taasoo ah arrin halisteeda leh.

Qaar ka mida wasiirada baraha bulshada lagu magacaabay waxaa ka mida safiirka Soomaaliya ee Q/Midoobay Yuusuf Garaad oo loo saadaalinayo wasaaradda arrimaha dibadda.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON