Tuesday, June 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka Afisyoone.. (Muxuu ka tanaasulay Maxamed Farmaajo..?)

Waxaa saka dib uga bilowday xarunta Afisyoone shirka Madaxda dowlada iyo maamul Goboleedyada oo hakad galay labadii maalmood ugu danbeysay.

Saacado kooban kadib markii uu shirku furmay waxaa saxaafadda loo soo dusiyey war sheegaya inuu horumar shirku gaaray oo tanaasul ka yimid Maxamed C/llaahi Farmaajo markii uu ogolaaday qodob ka mid ahaa shuruudihii ay wateen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

War hordhac ah oo laga helay xafiiska Madaxtooyada, balse aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu Farmaajo ogolaaday inay shirka Wadatashiga Doorashada ay ka qeyb galaan xubno ka mida Midowga Musharixiinta, guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo xubnaha ururrada bulshada rayidka.

Qodobkan inkastoo uu ka mid ahaa mid muhiim u ah mucaaradka ayaa haddana waxaa jira qodobo kale oo ay ka mid yihiin: inuu Farmaajo saxiixo qoraalka xilliga kala guurka oo lagu xadiddayo awoodihiisa iyo inuu Xukuumadda ku wareejiyo abaabulka Doorashada.

Shirka maanta oo la sheegay inuu ka duwan yahay fadhiyadii hore ayaa lagu wadaa in Maxamed Farmaajo lagu riixo ogolaanshaha qodobaddii uu mudadda dheer hortaagnaa si loo qabto Shirkii wadatashiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON