Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka u socda Musharixiinta iyo RW Rooble (Qodobka ugu adag ee…)

Shirkii Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ayaa goor dhoweyd soo gabagaboobay, kadib saacado uu ka socday Hotelka Decale ee gudaha Garoonka Muqdisho.

Waxaa shirka ka qeyb galay inta badan musharixiinta Madaxweynaha, halka Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble ay la socdeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle; waxaana shirka ka dhex muuqday xildhibaannadii soo qabanqaabiyey.

Wararka ayaa sheegaya in Shirka Dècalè lagu gaaray is-faham ku saabsan xalinta wixii dhacay 19-kii Febraayo, sida in raaligelin laga bixiyo iyo in Guddi soo baaro loo saarayo; waxaana muddo qaatay dooddda ku saabsan dib u dhigista bannaanbaxa qorsheysan Berri oo Jimce ah.

Shirka ayaa lagu wadaa in goor dhow lasoo gabagabeeyo, waxaana goor dhoweyd ku biiray wasiirka Amniga Xasan Xundubey.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON