Monday, July 7, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Xaaladda Cabdi Iley iyo Axmed Madoobe oo Addis ababa u tegay Arrintiisa

Wararka laga helayo  magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad degaanka soomaalida ee Itoobiya ee xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu weli ku sugan yahay magaalada Addis ababa.

Xaaladda Cabdi iley ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan inuu xiran yahay iyo inkale, waxaana Cabdi Maxamuud  la sheegay inuu ku jiro xabsi Guri  ay dusha ka ilaalinayaan ciidamada milateriga Itoobiya; iyadoo arrintiisa ay goa’aan ka gaareyso dowladda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha  maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku sugan yihiin magaalada Addis ababa, isagoo doonaya inuu la kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, si uu ugaha hadalo xaaladda Cabdi Iley iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Dhinaca kale  waxaa arrinta ka taagan maamulka Soomaalida Itoobiya ku soo biiray  diblomaasiyiin ajaanib oo xiriir kala yeeshay dowlada federaalka ee Itoobiya sida loo xalin karo qalalaasaha ka taagan maamulka Soomaalida Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON