Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay fashilantay waanwaantii ugu danbeysay ee lagu doonayey in lagu baajiyo dagaal ka dhaca magaalada Guriceel.
Dhinacyo kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad iyo hoggaamiyeyaal dhaqan ayaa dadaal ugu jiray in Ahlu suna laga saaro magaalada Guriceel, si dagaal looga baaqsado, laakiin waxaa arrintaasi oo culeys badan lagu saaray Ahlu Suna diiday Sheekha hoggaaminaya ee Maxamed Shaari Cali Xasan.
Waxaa guud ahaan soo idlaaday rajadii laga qabay xaalada Guriceel, oo dadkii ugu danbeeyay ay isaga baxeen saacadihii ugu danbeeyay, waxaana lasoo weriyey inay magaalada ka qaxeen in ku dhow 30-kun oo qoys.
Waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaal magaalada ku dhex maro ciidamada Galmudug oo garab ka helaya ciidamad dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Ahlu suna ee dhowaan qabsaday, iyadoo saddex jiho ay uga soo dhowaanayaan ciidamada huwanta ee Galmudug.
