Sunday, July 13, 2025

Wararkii ugu danbeeyay magaalada Dhuusamareeb & Wasiir Sabriye oo Farriin culus u diray Madaxda Ahlu suna

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu suna qeyb ka mida ay ku sugan yihiin xarunta weyn ee Inj oo ah fadhiga madaxda Ahlu suna oo ay hadda ku sugan yihiin Sheekh Maxamed Shaakir iyo saraakiisha Ahlu suna.

Xaalada magaalada ayaa la sheegay inay tahay mid kacsan iyadoo dadka qaarkood ay bilaabeen inay ka qaxaan goobaha ciidamada ku sugan yihiin, waxaana saaka ay ciidamada Ahlu suna ka baxeen xaruntooda ugu weyn ee magaalada Dhuusamareeb oo ahayd xarunta dowladda Hoose ee magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda Somalia ayaa hore ula wareegeen degaanka Ceeldheere ee duleedka Dhuusamareeb, waxayna shalay iyo saaka la wareegay degmada Matabaan iyo magaalada Guriceel oo xalay ay rasaas kooban ka dhacday, laakiin ma jirin wax iska hor imaad toos ah oo labada dhinac dhex maray, marka laga reebo rasaas ka dhacday Matabaan oo laba qof ku dhinteen.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dadka magaalada Guriceel u sheegay inay Ahlu suna ay dib u socoto oo ka noqotay dhammaan wixii la isku ogaa, wuxuuna uga digay inay ku dhaqaaqaan fashilinta Galmudug oo ay ka door bidaan dano yar oo ay leeyihiin.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON