Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Ololaha xildhibaanada ka horjeeda xukuumadda Kheyre & Mooshin…

Ololeyaal iska horjeeda oo ku saabsan Mooshin la qorsheynayo in laga diyaariyo xukuumadda Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho.

Ololaha ugu weyn ayaa waxaa wada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka  oo ka horkeeda Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo go’aankii Itoobiya lagu wareejiyay Sarkaalkii ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax).

Iyadoo ajendaha lagu furayo kulanka ugu horeeya ee xildhibaanada Berri ku yeelanayaan golaha Shacabka uu noqon doono dood ku saabsan go’aankii Xukuumadda ka qaadatay kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa guddoonka Baarlamaanka uu doonayaa inu arrinta laga dhigo qaraar ku socda xukuumadda, halka xildhibaanada qaarkood ay doonayaan inay diyaariyaan Mooshin kalsooni kala noqosho oo ku wajahan xukuumadda Kheyre.

Kulamo ay isku baheysanayaan xildhibaanada ka horjeeda xukuumadda iyo kuwa ka horjeeda ayaa Muqdisho ku dhex maraya labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa in xiisad siyaasadeed ay ka dhalato arrintan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON