Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ay Soomaaliya yeelatay.
Waxaa la xiray dhammaan wadooyinka taga xarunta Aqalka sare ee Degmada Shibis oo u dhow KM 0, iyadoo lagu wado in doorashada guddoomiyaha ay sahlanaan doonto, halka guddoomiye ku xigeenada si weyn loogu loolami doono.
Senatooro cusub oo uu ka mid yahay C/raxmaan Faroole ayaa la dhaarin doontaa iyadoo kadibna howsha Doorashada la guda geli doono.
HOOS KA AKHRISO MUSHARIXIINTA U TAAGAN GUDDOONKA AQALKA SARE.
Guddoomiyaha Aqalka sare: waxaa u tartamaya:
Cabdi Xaashi C/llaahi
iyo Mustafe Maxamed Qodax
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya
- Xasan Faarax Xujaale.
- Axmed Xaashi Maxamuud
- Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
- Abshir Maxamed Maxamuud.
- Cabdi Axmed Dhuxulow.
- Maxamuud Axmed Maxamuud.
- Cabdirisaaq Cusmaan Cali.
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad waxaa y taagan:
- Hodan Maxamuud Cusmaan.
- Osmaan Axmed Maxcow.
- Iftiin Xasan Baasto.
- Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
- Sacdiyo Xasan Cusmaan
- Mowliid Xuseen Guuleed
- Cabdikaafi Macalin Xasan.
Khudbooyinka dhammaan musharixinta ayaa lagu wadaa inay maanta soo dhammaato si maalinta Axadda ay doorashadu u dhacdo.
Goobjooge.com