Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray xarunta Suuqa casriga ah ee ugu weyn caasimadda ee Muqdisho Mall oo u dhow xarunta maamulka Gobolka Banaadir iyo saldhigga degmada Xamarweyne.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa geystay qasaare kala duwan ayaa lala beegsaday Baar ku dhex yaalla Muqdisho Mall, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in dadka ku dhintay ay ka badan yihiin 10 qof, iyadoo uu socdo gurmad looga soo saarayo meydkooda dhisme ku dhow Muqdisho Mall oo qaraxu sababay inuu dumo.
Gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxa ayaa socda iyadoo ciidamada Amniga ay xireen goobtaasi oo ahayd meel aad u mashquul badan, waxaana laga cabsi qabaa inu qasaaraha uu sare u kaco.