Wednesday, June 25, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Shirka Afisyoone iyo Farmaajo oo ogoleysiiyay inuu ciidanka uga tago bannaanka…

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay Muqdisho ka socday qabanqaabada shirka Berri ee la filayo inay Madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ku yeeshaan doonaan xarunta Afisyoone.

Arrimaha ugu muhiimsan ee ka hor inta aanu shirku furmin ay ahayd in la isku waafaqo ayaa ah Amniga shirka iyo Protocol-ka; waxaana Amniga goobta shirka u xil saaran ciidamada AMISOM, iyadoo wadahadal caawa dhex maray saraakiil ka kala socday Farmaajo, Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo madaxda kale looga dooday faahfaahinta Amniga goobta shirka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya Maxamed C/llaahi Farmaajo la ogoleysiiyay inay xarunta shirka Amnigeeda la wareegto AMISOM, kana saaro ciidamo uu hore u geeyay, waxaana dhammaan madaxda shirka ka qeyb galeysa loo qoodeeyay inay hubkooda geeyaan bannaanka Teendhada Shirka ee Afisyoone.

Waxaa sidoo kale dood laga yeeshay tirada ilaalada dharcadka ah ee mas’uul kasta loo ogolaanayo inuu gudaha Teendhada la galo, iyadoo tiro gaara loo kala cayimay Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa looga doodayaa ajendayaasha shirka weyn ee furmi waayey, waxaana la filayaa inay dood adag dhex marto dhinacyada oo isku haya qodobo muhiim ah oo ku sabasan ajendayaasha shirka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON