Wednesday, June 25, 2025

WARBIXIN: Xogtii ay Puntland siisay Mareykanka ee keentay Duqeyntii ciidamada Galmudug

axaa weli taagan xiisada ka dhalatay duqeyntii Mareykanku la beegsaday xarun ay ciidamada Galmudug ku sugnayeen oo qasaare badan ka dhacay.

Weerarkan waxaa ka dambeeyay Mareykanka oo sheegay in ay warbixinta ka heleen ciidamada maamulka Puntland oo ay wada shaqeeyaan, waxayna saraakiisha Mareykanka ku adkeysteen inay beegsadeen koox hubeysan oo Alshabaab ka tirsan.

XOGTA PUNTLAND BIXISAY WEERARKA KA HOR

Puntland ayaa gebi ahaanba ka gaabsatay inay dhacdadan nasiib darrada ah ka hadasho marka laga reebo laba mas’uul oo heer hoose ah kuwaasoo wararkooda aan waxba laga soo qaadin, laakiin madaxda Puntland waxay ilaa hadda ku guuldareysteen inay kala caddeeyeen sida ay u dhaqmeen.

galmudug-warbixin
Baaritaan kadib waxay Goobjooge.com ogaatay in Puntland saraakiisha Mareykanka ee ku sugan Gaalkacyo ku qancisay in Alshabaab ku sugan yihiin degaanka weerarku ka dhacay ee Bariga Mudug.

Tallaabadii xigtay ee Puntland ayaa ahayd inay Mareykanka la wadaagtay xog ku saabsan inta u dhaxeysa Jeexdin iyo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ay  isku urursadeen maleeshiyo AlShabaab ka tirsan, ayna doonayaan inay weerar kedis ah ku qaadaan garoonka Gaalkacyo, maleeshiyadaas ayay sheegtay inuu hogaamiyo Nin lagu sheegay magaciisa  Nur-Deeq Cabdullahi Maxamed Diini (Maalinguur) oo Puntland ku eedeysay inuu ka danbeeyay qaraxyadii Gaalkacyo.

XOGTA PUNTLAND WEERARKA KADIB

Kadib markii weerarku dhacay oo xaruntii Jeexdin ee ciidamada Galmudug la duqeeyay, waxaa goobtaasi tegay ciidamada PSF ee Puntland iyagoo nolosha ku watay mid ka mida askartii ka badbaaday duqeynta.

Puntland waxay la wadaagtay Mareykanka xog sheegeysa in weerarka lagu dilay nin lagu magacaabo Cabdirisaaq  Xuseen Tahliil (Calool-geel) oo la sheegya inuu Alshabaab ku biiray, lagana sii daayay xabsiga, waxaana jirta in shabaabnimada ninkan ay muran ku jirto, maadaama uu xabsiga kasii daayay maamulka C/weli Gaas.

XAQIIQADA WEERARKA

Waxaa soo shaac baxday xaqiiqada weerarka oo ahaa mid gebigiis ku dhisan xog been ahayd oo loola dan lahaa in Mareykanka lagu hogaamiyo ciidamo Gadmudug ka tirsan oo aan shaqo ku lahayn Alshabaab.

Goobta weerarku ka dhacay ma aha meel Alshabaab ka dhowdahay ama ay suuragal tahay inay timaado marka la eego degaanada Alshabaab ku sugan tahay ee ay ka taliso. waana xaqiiqo kale oo caddeyn u ah xogta khaldan ee Puntland.

Waxaa gebi ahaan meesha ka baxay xogtii hore ee ahayd inuu ciidanka la weeraray hogaaminayay Nuur Deeq maalin-guur oo howlgalka oo dhan lagu saleeyay, kaasoo Puntland ay baahisay sawirkiisa iyadoo sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay qaraxyadii lagu weeraray Gaaakacyo Bishii Ogost 2016.

Gabagabadii tallaabada ay Puntland qaaday waa mid ku cusub loolanka siyaasadeed iyo kan beeleed ee ka jiray Soomaaliya, wuxuuna abuuray dhaqan cusub oo ku dhisan masabid iyo in quwado shisheeye la isku adeegsado.

Waxaa shakiga sii kordhiyay sida mas’uuliyiinta Puntland ugu dhiiraan waayeen inay ka hadlaan dhacdada ay mas’uuliyadeeda leeyihiin ee dhiigga badan ku daatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON