Xujeyda Soomaalida ayaa qarka u saaran inay ka baaqdaan xajka sanadkan kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay xaalad jaha wareer ah ka abuurtay qaabkii xujeyda Soomaalida sanad kasta u xajin jireen.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faragelin ku sameysay nidaamkii xajka Soomaalida oo xirnaa muddo dheer Shirkadda Jubba Airways oo qeyb ka siisay shirkadda Daallo, waxayna amar ay soo saartay ku sheegtay in Xujeyda sanadkan ay qaadi doonaan Shan shirkadood oo kala ah:
Jubba Airways
Daalo Airlines
Ocean Airways
Freedom Airlines
African Express
{Halkan ka akhriso Warkan}
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo aan wax xiriir ah la sameyn Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana hore u jiray heshiis adag oo ka dhaxeeyay Amiirada Sacuudiga ee Xajka qaabilsan iyo Shirkadda Jubba Airways, xiriirkaas oo qaab qarsoodi ah ku socday isla markaana hanti badan lagu kala qaato, ayna awoodi waayeen dowladihii hore inay kala furaan. [Halkan ka akhriso warbixin xasaasi ah]
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya dhinaca kale oo rogtay in qiimaha xajka laga dhigo $3300 halkii uu hore u ahaa $3,800.00, taasoo ay u hoggaaansameen shirkadaha kale ee aan ahayn kuwii hore u heystay Xajka. Waxaase arrintaasi ka hor yimid Shirkadaha Jubba iyo Daallo [Akhri halkan]
Ka sokow shuruudaha laga rajo shirkadaha diyaaradaha ee xujeyda qaada, waxaa Soomaaliya u wehliya dano shaqsiyeed oo muddo dheer soo jiray, kuwaasoo dowladda Soomaaliya looga fadhiyey inay si farsamo ah u xaliso ka hor inta aan laga soo saarin go’aan aan la ogeyn inuu ka fuliyo dhinaca Sacuudiga, ayna ka horjeedaan shirkadihii mudada dheer heystay leynkaasi.
Shirkadda Jubba oo ay wehliso Daallo ayaan wax war ah kasoo bixin, waxayna Jubba Airways awoodi weysay inay dib u soo celiso dadii ay Cumrada u qaaday sanadkan oo ku xayirmay Sacuudiga, iyadoo hadda ay xaaladdii Xajka iyo xujeyda Soomaalida galeen mugdi iyo jahawareer laga cabsi qabaa inuu khilaaf iyo qorshe la’aan ay dhalisay xukuumadda Soomaaliya sanadkan u baaqo xajkii Soomaalida.