Wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Madaxda Puntland, iyadoo xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu faafiyey wararkii ugu horeeyay ee kulankaasi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
“Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
AKHRISO: Madaxweyne Deni oo Dowladda Federaalka ka dalbaday 4 Qodob oo ku saabsan Doorashada 2020/2021
Kulamada oo bilow ah ayaa la filayaa inay labada dhinac ka doodaan sida xal loogu heli karo is mari waaga ka tagan fulinta Heshiiskii Doorashada ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada gaareen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in laba shir oo dhex maray labada dhinac la isku mari waayey, kadib markii Ra’iisal wasaaraha uu ka codsaday Madaxweynaha Puntland inuu magacaabo Guddiga Puntland, xubnaha Puntland ee Guddiyada Federaalkana ay shaqo tagaan, kadibna la xalin doono khilaafyada jira, halka Deni uu ku akeystay in marka hore la xaliyo caqabadaha taagan sida arrinta Gedo, Guddiga Somaliland iyo Guddiyada Federaalka.




