Saturday, July 19, 2025

Wasaaradda Amniga oo ka jawaabtay Cabashada Ciidamada maamula Shabaabka soo goosta

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay War-saxaafadeed jawaab u ahaa cabasho ka timid ciidamada iyo tababareyaal ka howlgala xarunta lagu dhaqan celiyo xubnaha kasoo goosta Alshabaab ee magaalada Muqdisho.

Xubnahan oo sheegay inay gacanta ku hayaaan ilaa 250 xubno Alshabaab ka yimid ayaa caddeeyay inaysan heysan mushaar iyo cunto muddo 3 Bilood ah, isla markaana Wasaaradda Amniga ay u sheegtay inay kala tagaan, taasoo ay qaadan waayeen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga aya lagu sheegya inay Dib u habeyn ku socota Barnaamijka dhaqan celinta xubnaha ka soo hara fekerka Khawaarijta Alshabaab, isla markaana warka lagu baahiyey Baraha Bulshada uu ahaa mid khaldan.

Wasaaradda ayaa qirtay in xuquuqdii xaruntaasi oo ay bixin jireen dalal shisheeya ay joogsatay 2022, laakiin hadda la wado dib u habeyn, dibna loo bilaabi doono oo mar dhow la fasixi doono.

.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON