Wednesday, June 25, 2025

Wasaaradda Amniga Soomaaliya & Q/Midoobay oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya 40 Milyan oo Doolar [Sawirro]

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuuker Ducaale Islow ayaa heshiis la saxiixday Q/Midoobay, kaasoo dib loogu dhisayo ciidamada Booliska Soomaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Heshiiska dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliya Heer Federalka iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa waxaa dhinaca Q/Midoobay u saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan ay ku baxeyso lacag dhan 40 Milyan oo Dollar ayaa waxa bixinaya Midowga Yurub , Ingiriiska iyo Dowlada Jarmalka oo ka mid ah Dalalka Midowga Yurub laakiin si gaara u taageerta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Munaasabada Heshiiska lagu saxiixayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON