Monday, July 14, 2025

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Soomaaliya Dalab degdeg ah u dirtay Kenya [Akhriso]

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa cambaareyn kasoo saartay falalka ay ciidamada dalka Kenyak u  burburiyeen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida qaarkood.

Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

“Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warbaahin Wasaaradda.

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON